U bood dhigaalka

Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka oo Lasoo Xirayo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodaya Ajamdayaal dhowr ah’ waxaana lasoo xiri doonaa Kalfadhiga 2-aad ee golaha iyaga oo geli doona Fasax.

1. Dhaarin Xildhibaan Mukhtaar oo dhawaan lagu doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuna guuleystay kursiga HOP#176 oo uu ka geeriyooday Aabihiis EX Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo sanadkii 2022.

2. Hadaljeedinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Xiritaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka -11aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaannada ay geli doonaan fasax bisha Ramadaan, golaha shacabka ayaa kala fadhigii labaad ku meel mariyay sharciyo dhowr ah.

Goobjoog News