U bood dhigaalka

Kalfadhiga Todobaad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo Furmay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta ka furmay  magaalada Cadaado kalfadhiga Todobaad ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana daahfuray madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Furitaanka kalfadhiga Todobaad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, wasiiro xildhibaannada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Ajandaha kalfadhiga Todobaad ee Baarlamaanka ayaa ahaa dhaarinta labo xildhibaan oo ku soo biirayey golaha Baarlamaanka Galmudug iyo hadal jeedinta guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne k/geenka Galmudug.

Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa sheegay in loo baahanyahay in gacanta Shacabka lagu soo celiyo Maamulka.

“Shacabka iyo baarlamaanka waxaan leeyahay gacmaha is qabsada, horumarkii Galmudug ayaa la idin kaga baahanyahay, Mideynta Galmudug ayaa la idin kaga baahanyahay reer Galmudug waxay heshiis ku yihiin wixii ka dhaxeeyo in dhexdooda la dhigo oo iyaga qeybsigeeda iyo taladeeda ay yeeshaan”.

Dhanka kale Madaxweyne k/geenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la horkeeno Baarlamaanka heshiiskii Galmudug iyo Alu-sunna ku dhexmaray DJibouti si loo ansixiyo.

“Waxaa muhiim ah hehsiiskii Djibouti in la horkeeno Baarlamaanka si loo ansixiyo waxaad ogtihiin arrimahaas in aysan dhicin waxaana loo baahanyahay sidii loo ansixin lahaa heshiiskaas loona horgeyn lahaa Baarlamaanka”.

Maalmihii dambe waxaa ka dhexjiray madaxda sare ee Galmudug Khilaaf xooggan oo ku saabsan qaabkii loo fuliyey heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-suuna ay ku soo kala saxiixdeen dalka Djibouti.

Goobjoog News