U bood dhigaalka

Keenista Qofwalba Miiska: Taageerida Hoggaaminta Wadaagga ah ee Waxbarashada Soomaaliya

Sheeko:Waxbarashada

Colaadaha, musiibooyinka dabiiciga ah ee deegaanka iyo barakaca waxa ay adkeeyeen in waxbarasho tayo leh la siiyo carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Xasillooni darrada waxa ay caqabad ku noqotaa helitaanka waxbarashada, tababbarka macallimiinta iyo in ay ardeydu helaan agab waxbarasho. Sidoo kale, waxa ay burburisaa dareenka kalsoonida iyo wanaagga bulshada, kuwaas oo muhiim u ah dhisidda hal-adeygga iyo barashada.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeynaya horumarinta adeegyada waxbarashada aasaasiga ah si ay fursad waxbarasho u helaan saddexda milyan ee carruur aan iskuullada aadin dalka. Mid ka mid ah xalalka Wasaaradda ee ku habboon da’da carruurta waa Bar ama Baro oo ah barnaamij waxbarasho oo ay maalgeliso Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID).

Barnaamijkan waxa uu barayaa carruurta da’doodu u dhaxayso 9 – 16 sano xirfadaha looga baahan yahay in ay dib ugula midoobaan marxaladaha kala duwan ee waxbarashada nidaamiga ah ee iskuullada ama inay gaaraan shahaadada Fasalka 8aad. Iyada oo lala kaashanayo hay’adda USAID, Wasaaraddu waxay dejisay siyaasado cusub, waxayna sameysay manhaj habeysan, sidoo kalena waxayna diyaarisay hagayaasha macallimiinta iyo buugaagta ardayda. Ardeyda Soomaaliyeed ee da’doodu weyn tahay waxay hadda ku dhammaysan karaan siddeeda sano ee waxbarashada aasaasiga ah afar sano gudahood.

“Wadashaqeyntani waxay saamaxday in aragtiyo iyo khibrado kala duwan la isku keeno si loo abuuro manhaj waxku’ool ah oo si wanaagsan loo soo koobay [kaas] oo ay hormuud u yihiin, dejiyeen ayna leeyihiin Soomaalidu,” ayuu yiri Maxamed Xasan Mukhtaar, Agaasimaha Horumarinta Manaahijta ee Wasaaradda.

Taageerida Himilada Waxbarashada Qaranka – Maamul-goboleedyada iyo Degmooyinka

Dardar gelinta aragtida Wasaaradda ee waxbarasho laga baaraan degay, loo dhan yahay sidoo kalena udub-dhexaad u yihiin ardeyda waxay u baahan tahay ballaaranta ruuxda wada shaqayn ee ka baxsan heerka dowladda federaalka si loogu daro maamul-goboleedyada iyo degmooyinka.

“Laga soo bilaabo bilawgii ilaa laga hirgeliyay, Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad-goboleedyada waxay door muhiim ah ka qaateen hawlgelinta barnaamijka waxbarashada ee la dardargeliyay, oo ay ka mid tahay ansixinta Siyaasadda

Waxbarashada La Dardargeliyey iyo Manhajka, iyo sidoo kale khariidaynta agabka sida ogaanshaha goobaha waxbarasho ee la heli karo, macalimiinta, iyo ardayda,” ayuu yidhi Fadal Cabdilaahi Mursal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Hal xal oo waxku’ool ah ayaa ahaa dib u adeegsiga kaabayaasha jira (goobaha waxbarasho) iyo shaqaalaha jooga (macallimiinta). Maanta, maamul-goboleedyada oo dhan, fasallada la dardar geliyey waxaa lagu martigaliyaa iskuullada rasmiga ah, waxaana kormeera isla guddiyada maamulka dugsiga, oo ay wax u dhigaan macalimiin isku mid ah oo dhiga gelinka labaad. Degmooyinku waxay awoodeen inay si degdeg ah u bixiyaan fursad waxbarasho oo ay helaan in ka badan 100,000 arday oo aan aadin dugsiyada.

“Ku darida barnaamijka waxbarashada aasaasiga ah ee la dardargeliyay ee nidaamka guud ee waxbarashada waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa horumarinta helitaanka waxbarashada iyo natiijooyinka la filayo in la gaaro,” ayuu yiri Cabdicasiis Nuur, Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda.

Xalka kale ee saamaynta leh ee ay soo jeediyeen dawlad-goboleedyada ayaa ahaa ballaarinta doorarka iyo waajibaadka masuuliyiinta waxbarashada. Masuuliyiintu waxay markii hore kormeeri jireen oo keliya dugsiyada rasmiga ah, laakiin hadda waxay kormeeraan fasallada waxbarashada aasaasiga ah ee la dardargeliyay.

Tan iyo markii ay la wareegeen hawshaan ballaaran, masuuliyiintu waxay si wadajir ah ula shaqeeyaan hoggaanka dugsiga si ay u qabtaan olole wacyigelin ah oo guri-guri ah waxayna hoos u dhigeen ardayda ka baxday dugsiyada iyo tirada carruurta aan dugsiyada dhigan ee degmadooda.

Doorka Muhiimka ah ee Bulshada ka Qaataan Waxbarashada

“La shaqeynta xubnaha bulshada – oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, haweenka, iyo kooxaha dhalinyarada – waxay gacan ka geysatay dhisidda kalsoonida iyo wadashaqeynta, taas oo kor u qaadday is-diiwaangelinta iyo joogitaanka ardayda,” ayuu yiri Nuur Abuukar Nuur, oo ah Madaxa Waxbarashada Degmada Baraawe.

Bulshooyinka waxay door firfircoon ka ciyaaraan joogteynta waxbarashada. Waxay sameeyeen wacyigelin ku saabsan dardargelinta barnaamijka waxbarashada aasaasiga ah iyo faa’iidooyinka ay leedahay, taas oo ku dhiirigelisay waalidiin badan inay diiwaan geliyaan carruurtooda.

Laga soo bilaabo dajinta koorsada heer federaal ilaa hirgelinta barnaamijka iyada oo loo marayo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad-goboleedyada iyo isu keenida bulshooyinka, hay’adda USAID waxay bogaadineysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya xoojinta nidaamyada gacanta ka geysanaya xaqiijinta waxbarashada ay u dhan yihiin dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

Goobjoog News