U bood dhigaalka

Kenya oo Ogolaatay Diyaaradaha Qaadka, Diideyna Kuwa Rayid ee Soomaaliya Imanayay !

Sheeko:War

Laga soo bilaabo maalintii Jimcihii oo ay taariikhda ku beegneyd 5-ta bisha June ayaa waxaa hakad ku jirey duulimaadyadii ka dhex shaqeyn jirey Muqdisho iyo Nairobi, iyada oo labada dhinacba ay ku xayiranyihiin dad aad u fara badan oo dano kaga xirnaayeen.

Duulimaadyada isaga dalandooli jirey Muqdisho iyo Nairobi waxa ay gaarayaan illaa shan shirkadood oo gali jirey safar sii socod iyo soo socod ah, qaarkood maalin kasta, qaarkoodna maalmo cayiman, waxaana ka mid ah shirkadda Jubba Airways, East African, African Express, Som Air , iyo Som Express.

East African oo kale todobaadkii waxa ay aaddaa Kenya illaa 4 jeer, waxayna qiyaastii markasta sii qaadaa ama soo qaadaa illaa 80 rakaab ah markiiba, African Express iyaduna la mid.

Shirkadda Som Air waxa ay Nairobi u baxdaa maalmaha sabtida iyo arbacada , halka shirkadda kale ee ay isku magac dhowyihiin ee Som Express ay baxdo maalinta axada.

Dhammaan shirkadahani ma aysan sameynin wax duulimaad ah laga soo bilaabo jimcihii, taasi oo micnaheedu yahay in ay xanibanyihiin wax ka badan kun qof oo rakaab ah oo dano kala duwan kasoo fushan lahaa Kenya ama Soomaaliya iman lahaa.

Laakiin shirkadda kaliya ee aysan xanibaadda saameynin ayaa ah Jubba Airways oo la mideysan Daallo Airlines, kuwaasi oo ka diiwaangashan dalka Jabuuti, tani waxa ay sahashay in aanan shaqada laga joojin Jubba Airways sameysey dhawr duulimaad illaa maalintii la xayirey duulimaadyada.

Duulimaadyada Jubba waxa ay isku xiraan Muqdisho, Nairobi, Jabuuti iyo Dubai, tusaale ahaan maalintii jimcihii Jubba waxa ay u duushey Jabuuti iyada oo ka kacday Nairobi, kadibna Muqdisho ayay timid ka hor inta aysan Dubai usii duulin, taasina waxa ay suurogalisey in qaar ka mid ah rakaabkii ku xayirnaa Nairobi sifada kaliya ee ay Muqdisho ku iman karaan ay tahay in ay Jabuuti kasoo wareegaan.

Ma jirto sabab rasmi ah oo ay dowladda Kenya sheegtey oo ay u xayirtey duulimaadyadii Muqdisho imanayay, laakiin dad kala duwan oo aan la xiriirney waxa ay noo sheegeen in shatigii ay kaga shaqeynayeen Kenya isbadal ku yimid, loogana baahdey lacago dheeraad ah.

Waxaa kale oo jira warar suuqa ku jira oo sheegaya in sababo amni dartood duulimaadyada loo joojiyey xili uu Kenya bisha dambe imanayo madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, balse aragtidaasi waxaa ka hor imanaysa xaqiiqda ah in diyaarad kasta oo Soomaaliya ka baxda inta aysan Nairobi gaarin lagu sii baaro garoonka Wajeer.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid in diyaaradihii qaadka keenayay ay wali shaqeynayaan, islamarkaasina aanan shaqada laga joojin, lamana oga sababta taasi keentey.

Arrintani waa mid la fahmi karo sababtoo ah qaadka waa waxyaabaha lacagta ugu badan ay kasoo gasho Kenya, kaasi oo xitaa markii laga joojiyey dalka Britain ay Kenya dacwad ku furtey dowladda dalkaasi, iyada oo xitaa baarlamaanka la geeyey arrinka.

Laakiin Kenya waxa ay hadda doc wareentey meelihii ugu muhiimsanaa ee dhaqaalaha Soomaaliya uu ka nuuxnuuxsanayay.

Xayiraadda waxaa ka dhashay saameyn xun oo xagga dhaqaalaha ah, meelaha koowaad ee laga dareemeyna waxaa ka mid ah garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan oo duulimaad kasta lacag canshuur ka qaadayay iyo waliba shirkadda shidaalka diyaaradaha iibisa ee SKA. Waxaa intaasi sii dheer qasaaraha maaliyadeed ee ay galayaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed oo qeyb ka ah tiirarka dhaqaalaha dalka.

Horey Kenya waxa ay u xanibtey xawaaladihii Soomaalida ee Kenya ka shaqeynayay, haddana waxa ay ku dartay shirkadaha duulimaadka, waxana ay tani ka turjumi kartaa halka uu marayo xiriirka labada dowladood, laguma sheegi karo xiriir wanaagsan in uu yahay marka laga qiyaas qaato waxa dhacaya,  iyada oo isku dayadii dowladda Soomaaliya ay badankood guuleysan waayeen.

Waxaa la’isweeydiin karaa su’aasha ah “Soomaaliya masoo sahansatay dal aan Kenya ahayn oo xiriir wanaagsan lala yeesho?” , mise Kenya waa dal aanan sinaba looga maarmi karin oo ay tahay in dhibaato kasta loogu sabro?.

Goobjoog News