U bood dhigaalka

Kenya oo Sheegtey In Dowladda Soomaaliya Ay La laabatay Dacwaddii Maxkamadda Adduunka

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arrimaha dibada Kenya Aamina Maxamed ayaa baarlamaanka dalkaasi u sheegtey in dowladda Soomaaliya ay la laabanayso dacwad ay horey u geysey maxkamadda adduunka ee Hague, taasi oo ku saabsaneyd dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya sheeganayso.

Waxa ay Aamino sheegtey in labada dowladood ay isku afgarteen in ay banaanka ku heshiiyaan, islamarkaasina dhameystaan waxa u dhaxeeya iyada oo aysan maxkamadda go’aaminin.

Hadalkani ayaa imanaya xili garyaqaanada ay sheegeen in Soomaaliya ay leedahay fursado wanaagsan xagga in ay ku guuleysato dacwadda maxkamadda adduunka maadaamaa waxkasta iska cadyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaanan ka hadlin sheegata Kenya.

Goobjoog News