U bood dhigaalka

Kenya: SHabaab oo saddex qof ku dilay Waqooyi Bari Kenya

Sheeko:War

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee  Kenya ayaa sheegaya in rag  hubaysan oo looga shakiyay in ay SHabaab  yihiin ay saddex ruux ku dileen deegaanno hoos taga  Waqooyi-Bari  Kenya.

Raggaasi hubaysan  ayaa soo  weeraray  shirkad xaga  dhismaha jidadka ah  oo fadhigeedu yahay Mandheera,  waxayna ku dileen hal qof oo ka mid ahaa shaqaalaha  shirkaddaasi sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Mandheera, Alex Ole Nkoyo.

Nkoyo ayaa sheegay in dablayda weerarka geysatay ay tiradoodu dhamayd shan nin, kuwaasoo sitay  qoryo culus, isagoo xusay inay toogteen nin darawal ahaa, dabadeedna ay u baxsadeen dhanka  xadka Soomaaliya.

Dhacadada labaad ayaa ka dhacday degmada Gaarisa ee isla gobolkaas, taas oo koox  hubaysan ay ku dileen laba qof oo rayid ahaa habeenimadii xalay, dabadeedna isaga baxsaday goobta.

Tan iyo dhamaadkii sannadkii 2011-ka Kenya oo ciidamo u dirtay gudaha Soomaaliya  ayaa weeraro is-daba joog ah ay kaga imaanayeen  kooxo hubaysan, waxayna mas’uuliyiinta dalkaasi Kenya ku eedaynayeen weeraradaasi ururka Al-Shabaab.