U bood dhigaalka

Keryy oo La Kulmaya Cabbaas iyo Boqorrada Cabdalla iyo Salmaan si Loo Dajiyo Xiisadda Falastiin iyo israa’il

Sheeko:Caalamka

Xogeyaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa ku sugan Camaan halkaas uu wada hadal kula leeyahay hogaamiyaha Falastiin Maxamud Cabbaas iyo Boqorka Urdun Boqor Cabdalla.

Kerry ayaa labada hogaamiye kala hadlaya sidii xaaladda loo dajin lahaa, isagoo hordhigaya qaab uu horay ugala soo hadlay Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu.

John Kerry  oo Bariga dhexe sii joogi doona ilaa Axadda waxaa uu sidoo kale wada hadal la yeelan doonaa Boqorka Sacuudiga,isagoo kulan gaar ah sidoo kale la yeelan doona Wasiirada arimaha dibadda ee Sacuudiga, Turkiga iyo Ruushka.

Arintan ayaa timid kadib markii Israa’iliyiinta ay muddo todobaadyo ah go’doomin, dagaal iyo dhibaato ku hayeen Xaramka Qudus oo ah goob Barakeysan.

Shantii Todobaad ee ugu Dambeysay waxaa Toorey lagu dilay 10 qof oo Cadawga Israa’il ah halka Falastiiniyiinta ah ka shahiideen ilaa 48 qof.