U bood dhigaalka

KG: Doorasahda Baraawe Oo La Soo Gaba-gabeynayo Maanta

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Arbaca magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur galbeed lagu soo gabagabeynaya doorashada deegaan doorashada labaad ee golaha shacabka.

13-kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Koonfur galbeed ayaa saaka lagu dooranaya magaalada, xilli ay tan iyo xalay ay socdeen diyaar garoowgoodii ugu dambeeyay.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#187, HOP#195, HOP#194, HOP#145, HOP#256, HOP#045, HOP#251, HOP#143, HOP#163, HOP#057, HOP#162, HOP#062  iyo HOP#148.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay kuraastaan dadka degana Koonfur galbeed xildhibaanada kala ah :-

HOP#143: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur

HOP#062: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Cali Yuusuf Cismaan.

HOP163: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Isaaq Maxamed Maxamuud Aboow

HOP#045: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Cabdirashiid Maxamed Axmed.

HOP#195: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Nuuraani Bakar.

HOP#162:  Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Cali Sheekh Cabdullaahi.

HOP#148: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Aamina Xasan Cali.

HOP#251: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Nuura Cayni Khaliif Sheekh Abuu.

HOP#187: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Shariif Sheekhuna Maye.

HOP#145: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey

HOP#194: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Xamsa Saciid Xamsa

HOP#256: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan  Nadiifa Aadan Isaaq.

HOP#057: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Axmed Cumar Islaw.

Waxaa hadda u tartamaya mushariixiin gaareysa 26 musharax oo kala ah sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed.

Goobjoog News