Khasaare Ka Dhashay Ciidamada Dowladda Federaalka Ah Oo Dhexda Loo Galay
Sheeko:Dalka

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah oo dhexda loo galay agagaarka Ilbaq, oo u dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.
Ilaa 8 qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen dad kale uu ku jiro taliyii guutada 3aa ee ciidamada ibrahim yusuf .
Weriyaha Goobjoog News ee Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay ciidamadan ay ka yimaadeen magaalada Jowhar, una soo socdeen magaalada Muqdisho, arrimo la xiriira diiwaan-gelinta ciidanka.
Goobjoog News