U bood dhigaalka

Kheyrow Halkeed Ka Keentaa, Yaase Iska Leh Lacagaha Aad Bixiso?

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isul wasaaraha federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkan waxaa lacag ugu deeqay dib u dhiska buundada Baardheere ee gobolka Gedo.  Ma aha markii ugu horeysay ee ra’isul wasaaraha lacag bixiyo waxaa uu horay u siiyey qaar ka tirsan bulshada Galmudug iyo Koonfur galbeed si loogu dhiso garoomo iyo goobo kale.

Su’aalo badan ayaa ka taagan halka ay lacagtaasi ka timid, waayo qoraallada rasmiga ah waxaa ku xusan in ra’isul wasaaraha bixiyey lacagtaas, oo u muuqata mid jeebkiisa ah.

Si aan u hubsanno halka lacagtaasi ka timid, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka, xubnaha guddiga waxaa ay xaqiijiyeen in aaney jirin meel lacagahaasu uu ra’isul wasaare Kheyre bixinayo ugu jirtay miisaaniyadda qaranka ee 2019, iyaga oo meesha ka saaray in guddigooda uu ka warqabo, oo lagu soo celiyey, waxaa ay balanqaadeen la xisaabtanka ra’isul wasaaraha iyo iney shacabka u soo bandhigi-doonaan halkuu ka keenay, iney lacagta tahay midda qaranka iyo mid jeebkiisa ah uu isku suuqgeynayo.

Lacagaha uu Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre Bixiyey Waxaa Ka Mid Ah:

1. $227,167 oo uu ku baxday Dhismaha Garoonka  Cabdullahi Ciise, Galkacyo, Mudug.

2. $220,000  Dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Cawaale, Galkacyo, Mudug.

3. $150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee  Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, Bay.

4. $150,000 oo lagu bixiyey garoonka kubadda cagta ee Dr. Waaberi ee Xudur, Bakool

5.  $317,000 oo dib loogu dhisayo Buundada Baardheere ee gobalka Gedo.

Waxaa kale oo su’aalo laga keenay lacag gaareysa  $4,250,000.00 oo lagu iibiyey safaaradda Soomaaliya ee  Washington DC, lacagtaasi sidoo kale kuma jirin miisaaniyadda 2019-ka, lamana weydiisan baarlamaanka labadiisa aqal, ilaa hadda Villa Somalia wax jawaab ah lagama hayo.

Waxaa jiro warbixin taalo keyda golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maqal iyo muuqaal ah, oo xisaabiyaha guud ee dalka ay ku qireyso in maamulka Farmaajo uu leeyahay akoon ka furan dalka Turkiga, kaas oo dowladda u isticmaasho sababo kala duwan.

Goobjoog News