U bood dhigaalka

Kismaayo: Doorashadii Aqalka Hoose Oo Lasoo Gebogebeeyey

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxaa maanta lagu soo gebogebeeyey doorashada xildhibaannada aqalka hoose,  iyadoo kursigii ugu dambeeyey maanta la doortey.

Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyey ee Jubbaland dhankeeda ka yimaada kana mid noqda xubnaha aqalka hoose.

Waa xildhibaankii 43-aad, waxyna taasi ka dhigan tahay in Jubbaland ay soo dhammeysay doorashada aqalka hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyey ee soo gebogebeeya doorashada xildhibaannada aqalka hoose.

Maamul goboleedyada kale ee dalka sida Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna looga fadhiyaa iney soo gebogebeeyaan doorashada xildhibaannada aqalka Hoose.

Goobjoog News