U bood dhigaalka

Kismaayo: Guuleed iyo Shariifka oo Gaaray iyo Wufuud Kale oo La Filayo

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdi ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay  magaalada Kismaayo, ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Ujeedka safarka wafdiga ayaa lagu sheegay ka qeybgalka caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu wado iney dhacdo todobaadkan.

Wafdigan waxaa uu horudhac u yahay shakhsiyaad iyo wufuud caalami ah oo la filayo iney gaaraan Jubbaland maalmaha soo socda.

Horay waxaa Kismaayo loogu diiday wafdi uu horkacayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dowladda federaalka ah ma aqoonsana natiijada doorashada lagu doortay Axmed Madoobe, lamana oga sida ay uga falcelin-doonto caleema saarkiisa.

Goobjoog News