U bood dhigaalka

Kismaayo: Madoobe iyo Kate Foster oo Ka Wada Hadlay Abaarta

Sheeko:Baarlamaanka

Safiirka UK u fadhisa Soomaaliya Kate Foster iyo ergayga abaaraha iyo gargaarka u qaabilsan dowladda Ingriska Nick Dyer ayaa maanta kulan wadajir waxaa ay magaalada Kismaayo kula qaateen madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Kulanka ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa inta badan looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda abaaraha ee ka jirtay deegaannada Jubbaland, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada iyo sidii wax looga qaban lahaa arrintaas.

Wasiirka gargaarka maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa kualanka kadib warbaahinta la hadlay waxaana uu ka warbiyey kulanka “ Ujeedada wafdigaan ayaa waxaa uu yahay sidii ay u heli lahaayeen xog dhab ah oo ku aadan Abaaraha, wafdigaan socdaal;kooda waxaa uu dabasocday dadaallo, juhdi iyo qaylodhaan uu sameeyey madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xiriirro badan uu la sameeyey beesha caalamka” ayuu yiri.

“ Waxaana ay noo ballan qaadeen in ay dadaali doonaan, dowladda UK inta tabarteeda ah ay kasoo qayb qaadan doonto garab istaaga bulshada reer Jubbaland, waxaana ay sidoo kale ballan qaadeen ay olole badan sidii dadkaan loo caawin lahaa, iyadoo laga duulayo dadaalada madaxweynaha waxaan maalmaha soo socda aan sugaynaa wufuud kale” ayuu yiri

Deegaannada Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan taas oo siweyn u saamaysay dadka iyo duunyada, abaarta ayaa siweyn waxaa ay uga jirtaa gobolka Gedo, dad badan oo xoolohoodii dhaafeen ayaa ayaa soo gaaray magaalooyinka.

Goobjoog News