U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Habraaca Doorashada Lix Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baydhabo.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah  HOP#275, HOP#230, HOP#183 ,HOP#178, HOP#050 iyo HOP#253, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 3 bisha maarso.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu cadeeyay habraaca loo marayo doorashada kuraastaan oo ay soo bandhigeen guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed.

Waxaa dadka reer koonfur galbeed kuraastaan ku matalayay baaralamaankii 10-aad xildhibaanada kala ah:-

HOP#050: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdiwahab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

HOP#178:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan   Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe).