U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Odayaasha Dhaqanka 7 Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka todobo kursi oo dhawaan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Kuraasta odyaashooda la shaaciyay ayaa kala HOP#047, HOP#164, HOP#172, HOP#179, HOP#181, HOP#197 iyo HOP#204.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#204  waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Macallin Cali Aadan.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#197 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#179 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Garweyne .
4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#181waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maryan Macalin Isaaq .

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#172 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cali Caddow Maxamed.

6: Kursiga tirsigiisu ayahay HOP#047 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#164 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.