U bood dhigaalka

Koox Hubeysan oo Weerar Ku Dishay in Ka Badan 30 Dalka Nigeria

Sheeko:Caalamka

Dalka Nigeria Dablay hubaysan ayaa ku dishay ugu yaraan 30 qof, halka ay afduubteen tiro caruur ah, weeraro ka kala dhacay illaa saddex gobol oo ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka, kooxahaan ayaa soo badanayay, xilli sidoo kale ay jiraan tiro kale oo dhaawacyo  ah.

Falalkan ayaa ka dhacay gobollo ay ku xooggan yihiin, kooxaha budhcadda ahi, waxayna weeraradooda u adeegsadaan mootooyin, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaha aanay joogin ciidamada boolisku, xilligaas oo ay afduub kula kacaan dadka deegaanka, iyo ardayda, iyaga oo dalbanaya madaxfurasho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan hubaysani, inay weeraro ku ekeeyeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida oo ku yaalla dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalkaas, waxay gobolka Zamfara ay ku dileen illaa 24 qof. Dablaydan ayaa sidoo kale tuulada Gora ka afduubtay, caruur yaryar oo loo dirsaday inay kaymaha ka soo ururiyaan xaabada dabka lagu shito.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Sokoto, uu isna ka mid yahay, meelaha ay budhcaddani weerarada ka geysatay, iyaga oo bartilmaameedsaday shan tuulo oo hoostaga degmada Tangaza.

Warar kale ayaa sheegaya in dablaydu ay dad gaadhaya 25 qof ku dileen deegaanka Imande Mbakange, oo ku yaalla gobolka badhtamaha dalkaas dhaca ee Benue, halka ay guryo kala duwan ay dab qabadsiiyeen. Illaa haatan war badan lagama hayo ujeedada ka dambaysa weeraradan.