U bood dhigaalka

Kornel Xaadoole oo Ku Guulaystay Kursiga HOP#106

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada  Jowhar ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad  goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa maanka lagu doortay kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad , kaas oo tirsigiisu yahay HOP#106, oo deegaan  doorashadiisu yahay Jowhar  waxaana ku guulaystay Kornel  Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole.

Kursiga oo ahaa mid lagu tartamay ayaa waxaa ku loolamay laba musharrax oo  kala ah  Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole iyo Yaxye Abuukar, waxaana 56 cod oo ah codadkii Ergada kusoo baxay Kornel Cismaan, musharraxii la tartamay uu dhankiisa helay 25 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka.

Xildhibaan Cismaan ayaa waxaa kursiga uu ku guulaystay uu kamid yahay kuraas ka harsan golaha shacabka oo wali aan laga soo dooran deegaannada maamulka Hirshabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan uu soo gaaro Muqdisho si loogu dhaariyo kamid xildhibaannimada Baaralmaanka 11-aad iyo  qaadasha Shahaadada FEIT.

Goobjoog News