U bood dhigaalka

Ku Xigeenkii Duqii Xamar Oo Xildhibaan Noqday

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug waxaa maanta lagu doortay illaa seddex mudane oo ka tirsanaan doona baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha maanta la doortay waxaa kamid ah ku xigeenkii duqii hore ee Xamar Warsame Maxamed Xasan Joodax.

Warsame Joodax ayaa hadda ahaa wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedka Galmudug wuxuuna ku guuleystay 26 cod.

Joodax ayaa ahaa guddoomiye xigeenkii siyaasadda iyo amniga ee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarzan.

Dhanka kale, waxaa maanta guuleystay xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac oo isna ku guuleystay 35 Cod waxaana kula tartamayay Col. Xasan Maxamuud Cali iyo Cabdulqaadir Jaamac Qalabxoor.

Doorashada kale oo ay ku tartameen labo musharrax waxaa ku guuleystay Cabdiweli Maxamed Qanyare oo helay 48 cod.

Goobjoog News