U bood dhigaalka

Kulan Lagu Soo Dhaweeyay Qodobadii Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay Ka qeybgleen Xildhibaanno

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, wasiirro, oday dhaqameed, haween oo lagu soo dhaweynayay qodobada qaar shirka madasha wadatashiga qaran ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan beelaha banaadiriga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay saamiga ay ka heleen aqalka sare ee Baarlamaanka dalka.

Xildhibaan Ibraahiim Saalax Dayfullaah oo ka tirsan baarlamaanka federaalka kana mid ahaa ka qeybgalayashii kulanka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin xubnaha beelaha Banaadiriga loogu kordhiyay aqalka sare ee Baarlamaanka:

“Maanta waxaan halkaan iskugu nimid labo Ajando kuwaas oo ahaa in aan ka mahadcelinno ama aan ayidno shirka madasha wadatashiga hoggaamiye yaasha qaran, dalkani rafaad badan ayuu soo maray is jiid jiid kale iyo rafaad ma xamili karo tamarna uma hayo, dadkani wey daaleen way bislaadeen, waxay ku dhamaanayaan badaha waxay ku dhamaanayaan saxaraha, waxay ku dhamaanayaan xabsiyo, bisha Ramadaan fadligeeda waxaan Illaahay ka baryayaa in umadda Soomaaliyeed uu culeyska saran ka qaado, qodobbo badan oo aan isleenahay dalka ayaa dan ugu jirtaa ayaan maqleynaa, laakiin waxaa anaga hadda gaar ahaan nooga sii khuseeya aqalka sare oo beelaha banaadiriga la xusay xaqii ay lahaayeen, waa xaq aan ku leenahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Sidaas oo kale, xubnihii kulanka ka qeybgalay ayaa guud ahaan farxad ka muujiyay xubnaha ay ka heleen aqalka sare, iyagoo habmalyo iyo bogaadinba usoo jeediyay golaha madasha iyo siyaasiyeenta go’aanka wax ka gaartay ee u ogolaaday in aqalka sare wax laga siiyo, inkastoo qaarkood ay sheegeen iney jeclaan lahaayeen in xubnaha loo kordhiyo oo tiro intaa ka badan ay u qalmeen.

Ugu dambeyn, shirka madasha wadatashiga ayaa maalinimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo oo  muddo 3 cisho ah ka socday halkaas, iyadoo ay shirka kasoo baxeen qodobbo ku saabsan doorashada dalka, iyadoo beelaha banaadiriga loogu ogolaaday xubno 2 ah oo loogu darayo aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

Goobjoog News