Kulan Looga Arrinsanayay Arrimaha Dib U Eegista Dastuurka Oo Ay Muqdisho Ku Qaateen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dalka

Kulan looga arrinsanayay howlaha dib u eegista dastuurka qaranka iyo kaalinta maamul goboleedyada dalka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid Guuddoomiyayaasha baarlaamaanada maamulada dalka oo ay la socdaan min Afar xildhibaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo waliba guddiga dib u eegista dastuurka.

Kulankana waxaan soo xaadirin islamarkaana ka maqnaa, guddomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafdigii laga casuumay Puntland oo u maqan sababo lagu sheegay wadatashi guud oo Puntland ka socda, isla markaana ay u suuro gali weyday inuu ka baaqsado, waana sida guddoomiye Jawaari uu ka hor sheegay kulankii dib u eegista dastuurka ee Isniintii lagu qabtay xarunta baarlamaanka federaalka.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka federaalka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa goobjoog New u xaqiijiyay in kulanka looga hadlay qaabka ugu habboon ee looga tala galin karo baarlamaanada maamul goboleedyada dalka ee howlaha dib u eegista dastuurka.

Ugu dambeyn waxaa dhawaan la filayaa in maamul goboleedyada dalka ay gaaraan wafdi ballaaran oo isugu jira xildhibaanno iyo guddiga dib u eegista dastuurka oo talo uruurin ka soo sameyn doona, ka dibna warbixintooda dambe ku soo lifaaqaya talo soo jeedinta maamul goboleedyada dalka ee arrimaha dib u eegista dastuurka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW