U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Ammaanka oo Ay Ka Qeybgaleen xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Ka Dhacay Magaalada Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan afur ah oo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi uu u sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka dhacay magaalada Cadaado.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro, xildhibaanno, waxgarad, odayaal dhaqameed, dhallinyaro, waxaana looga hadlay arrimaha amniga iyo u diyaar garowga  doorashooyinka xildhibaanada ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo lagu wado iney dhawaan ka bilowdaan magaalada Cadaado.

Kulankan ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, waxaanuu yiri:

“Fikraddii naloosoo jeediyay oo ahayd inaanu wadatashi ka yeelano waxyaabaha foodda nagu soo haya oo ay ka mid tahay shirka la daneynayo inuu ka dhaco dowlad goboleedka Galmudug, dhamaan qodobadii uu madaxweyne ku xigeenku soo jeediyay markaan isla fiirfiirinay waan isla afgaraney, waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed ee Galmudug ka soo jeeda iney ku qanac sanaadaan hoggaanka iyo sida ay taladu u socoto”.

Waxaa sidoo kale ka hadlay nabadoon Cumar Caalin oo sheegay  in kulanku ahaa sidii loo qaban qaabin lahaa doorashada xildhibaanada federaalka oo ay Galmudug  qeybta u heshay oo lagu qaban doono magaalada Cadaado iyo soo dhaweynta martida la filayo iney soo gaaraan magaalada.

Dhanka kale, Madaxweyne  ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaan sugidda amniga deegaanadan Galmdug gaar ahaan magaalada Cadaado:

” Waxaan halkaa iskugu nimid kulan aan kaga hadleynay sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga, looga tashan lahaa doorashada 2016 iyo sidii loo marti soori lahaa dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo imaan doonta magaalada Cadaado, maadaama xildhibaanada lagu dooran doono degmada Cadaado ayaa u jeedku ahaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa”.

Kulankana ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay xiliyada qaar laga maqlayay magaalada Cadaado rasaas aan ula jeedo lahayn, taas oo walwal ku abuurtay bulshda deegaanka.

Goobjoog News