U bood dhigaalka

Kulanka Baarlamaanka Maanta: Dhaarin Xildhibaan, Codeynta Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo Xiritaanka Xawaalaha oo laga hadlay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya fadhigiisa maanta waxaa uu ahaa mid aad u mashquul badan, ugu horeyn Ansixinta Ajendaha kadib waxaa la dhaariyay Xildhibaan cusub Mudane Cabdiwali Maxamed Ibrahim(Xaabsade) oo lagu badalay Aabihii Maxamed Ibrahim Xaabsade oo Muqdishu ku geeriyooday January 25, 2015.

Baarlamaanka ayaa dib u dhigay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka qaranka oo maanta lagu waday in la ansixiyo taas oo sabab looga dhigay Kooramka oo aan buuxin iyo Wasiirka oo codsaday in uu jiro qalad badan oo u baahan in dib loo saxo.

Dhinaca kale, waxaa Baarlamaanka looq eybiyay dhismaha iyo xilka guddi-hoosaadka ilaalinta hufnaanta iyo sumcad wanaagga Golaha Shacabka,

Waxaa sidoo kale shaqo maalmeedka ka mid ahaa Qeybinta Maxdar-qoraallada 31-33 ee kalfadhiga 5-aad

Baarlamaanka waxaa Ajendihiisa la mid ahaa Qeybinta habraaca booqashooyinka deegaanada(Fasaxa Kalfadhiga 5aad),

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo hadal qaaday Xildhibaano Mooshin keenay Farta Soomaaliga in ay keenaan xeer ay keenayaan Sabtida

Ugu dambeyntii Waxaa ay Baarlamaanka ka hadleen Baaq ay u jeediyeen dowladda Mareykanka in ay hakiso joojinta Xawaaladaha.