U bood dhigaalka

Kulanka Golaha Shacabka oo Dib U Dhacay, Goorma Ayaa Lagu Ballamay?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa dib u dhac uu ku yimid kulan maanta ay isugu yimaan lahaayeen xildhibaannada golaha shacabka, waxaana dib loogu dhigay maalinta  barri oo Axadda ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha. “Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ay ku balansanaayeen”.

Kulanka maanta ayaa waxaa ajandihiisu ahaa dhaarinta madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid noqonaya xildhibaannada iyo sidoo kale doorashada guddoonka guddiyada Baarlamaanka, kaas oo dhowaan uu soo magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Madoobe, iyaga oo   gaara 14 guddi.

Baaqashada ku yimid kulanka golaha shacabka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Muqdisho xalay weerar lagu qaaday hotelka Xayaat, kaas oo soo gaaray ilaa iyo waabarigii saakay, waxaana socda howlgallo ay ciidanku kusoo afjarayaan, kadib markii koox ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen iyagoo ka dhex dagaalamaya hotelka.

Goobjoog News