U bood dhigaalka

Kumannaan Qoys oo Reer Sudan ah oo Ka Baxsanaya Dagaallada Magaalada Khartoum

Sheeko:Caalamka

Kumannaan reer Sudan ah ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan magaalada caasimadda ah ee Khartoum, kadib dagaalka ka socda magaalada oo galay maalintii 5-aad, waxaa burburay xabadjoojin muddo 24-saac ah oo dadka ula muuqatay midsii dhaqangaleysa , kadib markii hoggaamiyeyaasha ishaya ay Talaadadii ay ku dhawaaqeen.

Dad ku nool xaafado kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada, iyagoo kusii jeeda meelo kale oo nabdoon caasimadda oo maalintii 5-aad ay ku dagaalamayaan Milatariga iyo xoogagga Dacmu Sariic.

Waxaa sidoo kale fashilmay  iskuday kale oo xabbad-joojin ah galinkii dambe ee Arbacada, caasimadda walina waxaa ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF ee uu hoggaamiyo Jeneral Maxamed Xamdaal Daqalo.

Galinkii dambe ee Arbacada ayaa dhawaqa madaafiicda  laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay, waxaana saacad waliba sii kordhaya dagaalka labada dhinac iyo khasaaraha Rayidka.

Warbaahinta ayaa siyaabo kale duwan usoo warinaya khasaaraha dadka Rayidka ah, waxaana ilaa iyo hadda la sheegayaa in 270 ruux ay geeriyoodeen, halka 2’600 qofna ay dhaawacyo kale duwan qabaan sida uu warinayo Talefeshinka Aljazeera, Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka.

Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan.
Goobjoog News