U bood dhigaalka

Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta Galkacyo Lagu Doortay?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu doortay sedex kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooodu ay tahay Gaalkacyo.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ayaa waxaa markale loo doortay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kadib  markii tartanka kursiga uu isaga tanaasulay musharraxii la tartamayey Maxamed Axmed Maxamed, waxaana Odawaa uu ku guulaystay 97 cod oo gacan taag ah, majirin Ergay diiday, waxaana markiisii labaad loo doortay kursigaan HOP#069.

May be an image of 3 people and people standing

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 038 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, waxaana kursiga  ku tartamay 5 musharrax, kuwaas oo mid waliba isaga rabay inuu helo guusha, waxaana ay ahaayeen musharraxiinta kala ah, kuwaas oo shahaada qaatay iskuna diiwaan galiyey in ay u tartamaan kursiga.

1- Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad.
2- Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe)
3- Maxamed Cabdi Faarax
4- Siciid Daahir Sh Maxamed
5- Aadan Warsame Cilmi.

Tartankiisa oo ahaa mid furan ayaa waxaa la isla aaday wareeg labaad, waxaana lagu kala guulaystay codka haldheerida 50+1, Codbixinta inta ay Bilaaban waxaa tanaasulay Aadan Warsame Cilmi, kaas oo ahaa musharraxii 5-aad ee u soo istaagay tartanka gursiga,waxaana  natiijada codbixinta 4-ta Musharax oo soo hartay waxay ku dhamaatay sidaan.

1- Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad oo helay 51 cod.
2- Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo helay 31 Cod.
3- Maxamed Cabdi Faarax oo helay 1 cod.
4- Siciid Daahir Sh Maxamed oo helay 18 cod.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#095 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana uu ahaa kursi dhankiisa lagu tartamay oo furnaa waxaana ku tartamay sedex musharrax, oo mid waliba kursiga guushiisa rabay
1- Maxamed Saciid Faarax.
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.
3- Maxamuud Kudun Xiimaa.
Musharraxiinta ayaa wareegii koowaad codadka u kala helay
1- Maxamed Siciid Faarax oo helay 44 cod
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo helay 35 cod
3- Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod

Waxaa tartanka wareegii labaad isaga haray musharrax Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod, waxaana guddigu ay sheegeen labada musharrax ee isku soo hartay lagu kala saarayo codka hal-dheerida ah ee 50+1 ay ku guulaysanayso kursiga waxaana ugu dambayn soo baxay musharrax  Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo wareegii koowaad la yimid 35-cod.

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo helay 54 cod
2- Maxamed Siciid Faarax oo helay 47 cod.
Goobjoog News