U bood dhigaalka

Kursi Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Lagu Doortay Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Kursi ka tirsan golaha sahacabka ayaa maanta lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta KMG u ah maamulka Hirshabeelle, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#009, waxaana ku tartamay ilaa laba musharrax oo ku loolamay, doorashada golaha shacabka ee Hirshabeelle ayaa marayso heer gabago ah.

Musharraxiinta kala ah  Abdisatar Abdisalam Hassan Barsane iyo musharrax  Ali Hassan Ibrahim, waxaana 67-cod  kusoo baxay musharrax Cali Xasan Ibraahim, halka Abdisataar Abdisalam Hassan uu helay 33 cod, waxaa halaabay hal cod sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka.
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay maamulka kaliya ee aan wali soo dhamaynin doorashada kuraasta golaha shacabka Baarlamaankiisa 11-aad, xilli lagu wado in dhowaan laba cisho ka dib ay caasimadda ka dhacdo doorashada guddoonka golaha shacabka oo ku beegan 27-ka bisha.
Goobjoog News