U bood dhigaalka

Kursi Kale oo Lagu Doortay Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Doorasho maanta ka dhacday Galmudug, oo loo tartamayey kursiga nambarkiisu yahay HOP#089 oo 3 musharax isku diiwaangeliyeen ayaa waxaa ku guuleystay Qaasim Cabdikarim Cilmiseed, oo mid noqday Baarlamaaka 11-aad.

Tartanka kursiga ayaa waxaa ku tartamay 3 musharrax oo kala ah 1- Qasim Cabdikariin Cilmiseed. 2- Baar Mohamed Raage3- Yaasiin Cabdi Jaamac, waxaana kursiga ku guuleystay musharrax xildhibaan Qasim Cabdikariin Cilmiseed.

Tartanka kursiga ayaa waxaa  ka tanaasulay  Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Baar Mohamed Raage, waxaa ergadu gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Qasim Cabdikariin Cilmiseed waxaana ogol ugu codeeyey 101 oo dhammaan ergada.

Musharax Qasim Cabdikariin Cilmiseed ayaa ku guulaysat kursiga tirsigiisu yahay HOP#089, waxaana uu kamid noqonayaa golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, oo doorashadiisa la filaayo in ay soo idlaato 25-ka bishan february 2022-ka.

Goobjoog News