U bood dhigaalka

Kursigii Jawaari Laga Reebay Oo Loo Doortay Wasiirka Howlaha Guud Ee KG

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeyay doorashada kursiga HOP#103 oo horay ugu fadhiyay Maxamed Sheikh Jawaari.

Kursigaan oo ay kuwada tartameen musharixiinta kala ah Mohamed Ali Hassan iyo Mukhtar Ali Ibrahim, ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan.

Mohamed Ali Hassan ayaa helay 78Cod iyo halka musharax  Mukhtar Ali Ibrahim uu helay 18Cod, oo ka mid ah codadki la dhiibtay.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#103 oo uu ku guuleystay wasiirka howlaha guud ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cali Xasan.

Goobjoog News