U bood dhigaalka

Kursigii Xildhibaan Kuulow Ka Geeriyooday oo Dib Kismaayo Loogu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbalanad ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Kismaayo.

Kursigaan oo tirsigiisu yahay HOP#079 ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Cilmi Barre Cabdi  Xassan Budul Cali, waxaana kursiga kusoo baxay Xassan Budul Cali, sida uu shaaciyey guddiga dooorashada.

Kursigaan ayaa waxaa ka geeriyooday Allah unaxariiistee Maxamuud Muxamed Cumar Kuulow oo  22-kii febaraayo 2022 lagu doortay magaalada Magaalada Kismaayo, guddiga ayaa markale qabtay doorashadiisa.

Goobjoog News