U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi oo Ka Digtay Heshiiska Mareykanka iyo Koonfur Kuuriya

Sheeko:Caalamka

Kuuriyada Waqooyi ayaa digniin kasoo saartay heshiis ay wadagaleen  Mareynkanka iyo Koofur Kuuriya, kaas oo ay ku tilmaanta mid daandaansi ah, Mareykanka ayaa Koonfurta la leh heshiis Milatari tan iyo markii Waqooyigu ku dhiiratay sameysashada hubka waxgumaada ee Nuclear-ka.

Kim Yo-jong  oo ah haweeney la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aadna u awood badan, ayaa diginin kasoo saartay in heshiiska ay dhawaan gaareen dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu horseedi doono “khatar ka badan tii hore u jirtay”ayey sheegtay Yo-jong .

Haweenaydaan oo ah qofka labaad ee ugu sareeya awooda dalka marka laga tago walaalkeed Kim Jong un ayaa sheegtay in kahortaga nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi “uu haatan gaarey halkii ugu sarreeyey”, warbaahinta dowladda ayaa sidaasi soo gudbisay oo laga soo xigtay.

Maraykanku ayaa waxa uu ogolaaday in la geeyo Koonfurta Kuuriya maraakiibta hubka Nukliyeerka ah, iyadoo maamulka dalkani uu dhankiisa ka jaan goynayo qorshahaha nukliyeerka, si loogga hortago khatarta nukliyeerka ee Waqooyiga, taas oo wada hormarinta hubka lagu tartamo.

Heshiiska – oo looggu magac daray Heshiiska Washington – ayaa lagu dhawaaqay toddobaadkan, intii lagu jiray wada hadalladii ay yeesheen Madaxweyne Joe Biden uu kula yeeshay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, ee caasimadda dalka Mareykanka.

Goobjoog News