U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal Awood u leh in uu Gaaro Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus milateri ,taasi oo jawaab u ahayd gantaal ah nooca riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay, kaas oo  lagu tiday Badda Japan, waxaana ka dhalatay eedeyn ay jeediyeen Washington Seoul.

Pyongyang ayaa sheegtay in tijaabadani ay digniin u ahayd daandaansiga waxa ay ku sheegtay in ay wadaan dowladaha Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya, tijaabadaan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan Waqooyigu ay tijaabiyeen gantaal ah nuuca ridda dheer qaaradaha isaga gudba,

Kuuriyada waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalkii riddada dheer ee ay tijaabisay Sabtidii uu awood u leeyahay in lagu garaaco dhul weynaha Maraykanka, taas oo keentay in dowladda Mareykanka ay ka gaabsatay in tilaabo Milatari ay ka qaado, taas oo keeni karta adeegsiga hubabka qatarta ah.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa horay ugu dhawaaqay inay dhoolatus wadajir ah sameyn doonaan bisha soo socota, waxaana arrintaa Pyongyang  ay ku tilmaamtay daandaansi, Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka ayaa wada wali cunaqabateynta ay ku hayaan xukuumadda uu huggaamiyo nin mayalka adag.

Goobjoog News