U bood dhigaalka

Labo Ka mid ah Qaraabada Farmaajo oo Buuq Ka Sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xilli uu socday kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka federalka ayaa waxaa buuq ka dhex abuuray labo xildhibaan oo qaraabo la ah Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Xildhibaan Cabi Cali Kulane.

Labadooda ayaa la arkayey iyaga oo ku baaqaya kursiga guddoonka KMG ah ee labada aqal, taasi oo keentay in uu istaago shaqada baarlamaanka.

Cabdi Shakuur Cali Mire iyo Cabi Kulane ayaa ah ragg aad ugu dhow madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo, waxaana la ogeyn sababta ku kaliftay tallaabadaan.

Goobjoog News