U bood dhigaalka

Laftagareen oo Ballanqaaday Ilaalinta Kootada Haweenka ee 30%

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Laftagareen oo xalay ka hadlay xaflad Digil iyo Mirifle ah ayaa balanqaaday in kootada haweenka ay sideedii tahay.

Laftagareen oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Iyada oo aan laga dardaarmin, qofna noo sheegin, dadka keliya ee ilaalinaya kootada gabdhaha waa Digil iyo Mirifle, waxaan bilownay maalintii Mbagathi la joogay, dadka keliya ee buuxiyey 30% innaga ayaan aheyn, ilaa maanta wax isbadalay ma leh, hadda sidii ayaan ku wadeynaa, waxaa suurogal ah, intii lagu heshiiyey ee 3-dii xildhibaan mid gabar noqoto aheyd, inta sii rognay waxaan gaarnay hal xildhibaan ciddii leh iney gabar noqon karto, marka taas sidii ayey ahaaneysaa, kootada haweenka diyaar ayey naga tahay, kuwa kale haku baaqato”.

2016-kii, haweenka waxaa ay heleen 24% iyaga oo hadda ay taagan tahay buuq ah cidda ilaalineysa kootada gabdhaha.

Goobjoog News