U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka Tirsan Galmudug oo Dagaalka Dhuusamareeb ku eedeeyay Galmudug & Xubno ka Mid ah Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa dagaalka halkaas ka dhacay ku  eedeeyay Galmudug iyo xildhibanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka, iyagoo farta ku fiiqay in la soo abaabulayo dagaal cusub oo ku waajahan Dhuusamarreeb.

Xildhibaannada ayaa ugu horreyn sheegay in Galmudug ay ku dhisantahay seddex tiir oo kala ah; dib u heshiisiin, Nabadgalyo, iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay tilmaameen muddo dhowr bilood ah inaan waxba laga qaban oo Nabaddiina lagu bedelay colaad.

Waxay mas’uuliyadda dagaalka dusha uga tureen xubno sarsare oo ka mid ah maamulka Galmudug iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Federaalka oo ay ku eedeeyeen in Marso kasta ay dagaal u hor seedaan degaankaas.

Waxay si cad u iftiimiyeen in aaney jirin wax wadahadal ah oo u dhexeeyay Galmudug iyo Ahlu-Sunna iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed inuu ka been sheego markasta, wadahadal uu Ahlu-Sunna la furayna aaney jirin, waxayna ugu baaqeen in Madaxweynuhu uu wadahadal la furo Ahu-Sunna.

Xildhibaan Cumar Mahad Alle ayaa si gaar ah uga hadlay waxtarka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe waxaanuu yiri; “Ahlu-Sunno dhib farabadan ayay kasoo mareen iney nabad noqoto halkan, maanta waxay ahayd in nabad laga hadlo, waxay ahayd in horumar laga hadlo, ma ahayn in xabad loola tago dadkaas, waxay ahaayeen dadkii shabaab ka xoreeyay dhulka, xooggii ay ahayd inta la isku daro iney wax wada xoreeyaan in la isku baabi’iyo waxaan aqbali karno maaha, waxaan ku baaqeynaa nabad iyo dib u heshiisiin”.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa Arbacadii shalay waxaa ka bilowday  dagaal u dhexeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo Sarkaal horey uga gadooday ciidamda dowladda oo la yiraahdo Liibaan Madaxweyne, iyadoo dagaalka inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen 10 qof,  30 ruux in ka badanna ay ku dhaawacantay.