3 Xildhibaan Oo Maanta Lagu Doortay Jowhar

Illaa seddex kursi oo ka tirsan golaha shacabka dowladda federaalka ayaa maanta lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Kursiga koowaad oo ay ku tartameen seddex musharrax waxaa ku guuleystay kursiga xildhibaannimo Cabdirisaaq Axmed Maxamed  28 Cod halka Cali Nuur Xuseen uu helay 22 Cod musharrixii kale Maxamed Aadan Geeddi ayaa isna ku haray wareeggii koowaad ee codeynta.

Kursiga labaad waxaa ku tartamayay Cali Sheekh Xasan Cusmaan iyo Maxamed Cabdullaahi Axmed waxaana codka uu raacay Maxamed Cabdullaahi Axmed oo helay 38 cod.

Kursiga seddexaad oo ay ku tartamayeen labo haween ah oo kala ah Zamzam IbraahimYuusuf iyo Maryan Axmed Haaruun ayaa waxaa Maryan Axmed ay kaga guuleysatay Zamzam Ibraahim 32 Cod halka Zamzamna ay heshay 18 Cod.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka sii socoto doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Jowhar waxaa illaa iminka lagu doortay 24 xildhibaan waxaana tirada guud ee ka imaanaysa ay tahay 37 xildhibaan taasoo ka dhigan in 13 kursi tartankooda uu dhiman yahay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW