U bood dhigaalka

 Ma Noqon Karaa Muwaadinka Dastuurka Ku Xusan?

Sheeko:War

 Mar haddii ay meel fiican mareyso dib-u-eegista dastuurka, lagana yaabo in sanadkan dhammaadkiisa ama kan soo socda horraantiisa aan yeellano dastuur dhameystiran, waxaan akhrin qotto-dheer ku bilaabay madaxyada, cutubyada, qodobadda iyo farqadaha uu ka kooban yahay dastuurka KMG ah, si aan u hubiyo waxa ka muwaadin ahaan iga anfacaayo!!

Haddii aan runta idiin sheego cutubka 1aad ama 9ka qodob oo ugu horreysa dastuurka waan ku raaxeystay akhrintooda, doodna kama qabo, laakin markii aan gaaray akhrinta qeybta 2aad gaar ahaan madaxa 1aad(qodobka 10aad-12aad) iyo madaxa 2aad(qodobka 13aad-41aad) waxaa isoo baxday in aanan aheyn muwaadinka meeshaan ku qoran, waayo ma heysto xuquuqda la sheegayo oo dhameystiran, waxaana hubaa in dad badan oo akhristayaasha ah dhibaatadaas ila qabaan.

Sababta aan arrimahan uga hadlayo waxaan u arkaa in xuquuqdeyda ka-muwaadin ahaan ay iiga muhiimsantahay Kheyraad la qeysado, ciidan la dhiso, xuduudo la kala qeybiyo, doorasho la galo iyo arrimo badan oo hadda lagu sii-jeedo, waa in dastuurka ku dhaqankiisa loo kala hormariyaa sida ay qodobadiisa u kala horeeyaan, xuquuqda aadanaha ayaa ka horeysa tan dhulka, cirka iyo badda!!

Madaxa Koowaad: Mabaadi’da Guud Ee Xuquuqda Aadanaha Karaamada Aadanaha:

Qeybtan, qodobka 10aad-12aad waxaa uu ka hadlayaa  Sinnaanta iyo Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah, waxyaabaha ku qoran waxaa ka mid ah:

 Karaamada: Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan, waxaa kale oo ku xusan in awoodda Dawladda  aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada Aadanaha…..Qodobkan muhiim ayaan u arkaa, waayo meel dil, dhac iyo kufsi yaallo karaamo ma taallo!!

 Sinnaanta: Waa simman yihiin muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, waxaa kale oo intaas dheer xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa….iyada oo qodobkaasi qoran yahay ayaan yasmo iyo 4.5 arkaa?

Xuquuqda:  Qodobkan waxaa la farayaa dowladda inaany waajibaadkeeda

Ku  koobneyn oo keliya dhawrista  xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.

Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga Ah Ee Qofka Iyo Xaddidaadooda waxaa ku jira qodobbo kale oo muhiim u ah nolosheyda iyo dabcan taada sida Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.

Dhanka Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada waxaan u baahannahay: Dastuurka waxaa ku qoran Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan, qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xad gudbaan. Gudniinka gabdhaha waa caado naxariis-darro iyo xaqiraad u dhiganta jirdil. Gudniinka gabdhaha waa reeban yahay. Iuo Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, haddii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada …..aawey xuquuqdaas?

Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta:  qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba, Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka waxaa intaas lagu daray  Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Xurmada Hoyga: Guryaha loo dhacayo qodob ayaa ka yaal, oo waxaa la leeyahay  Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis iyo  Waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudubka sharciga.

Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka:

(1)    Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

(2)    Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Deegaanka: Dastuurkan waxaa lagu sheegay qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah, sow xaq uma lihi inaan isweydiiyo maxaa loo heli la’yahay? Yaase hortaagan?

Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada: Arrinba arrin ayaa ka darane, bal qodobdan ila akhriya, kulahaa Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahaybiyo nadiif ah uu cabo, Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo dareyeel caafimaad, Cidna lagama hor istaagi karo daryeel caafimaad oo degdeg ah sababkasta, oo ay kamid tahay awood la’aan dhaqaale, Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran, sidoo kale waa in lahubiyaa in dumarka, dadka da’da, naafada iyo dadka laga tiro badan yahay oo taariikhiyan latakoori jiray inay helaan kaalmo gaar ah si ay ugaaraan xuquuqdooda dhaqan – dhaqaale.

Daryeelka Qoyska:  Hooyada iyo Dhallaanka waxaa ay ku jiraan dadka dulman, oo waxaa dastuurka ku qoran, Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka waa waajib saaran Dawladda,  Ubadku wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo deegaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan, Waalidka aan iskii isugu filnayn wuxuu ubadkiisa qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin daryeel sharci ah iyo arrant ah Guur ansaxayaa ma jiro haddaanay si xor ah iyo oggolaansho ninka iyo naagta ka timid jirin. Labaduba waa inay gaareen da’da guurka.

Caruurta: Caruurnimmo waa la dhacay, waayo lama helo xuquuqda dastuurka ku qoran sida: Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan, Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda, Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa xiritaankooda, Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta oo caddaalad-darro u keeni karta, Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan, Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa

Waxabarashada: Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah ee ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed, Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah ilaa iyo dugsi sare, Dawladdu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha.

Dawladdu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed,  Dawladda waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgelinaysaa manhaj midaysan, waxayna hubinaysaa dhaqangalkiisa, Dawladda waxay kobcinaysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolojiyadda iyo xarumaha cilmi-baarista, Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka carruurta dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyada ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.

 Dhaqanka iyo Afka: Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku dedaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.

Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka iyada oo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo,  Dawladdu waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.

Xaqa helidda macluumaadka: Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso, Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay, Baarlamaanka Federaalku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.

Go’aannada Maamulka: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aammada ka soo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah.

Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca iyo Xuquuqda Eedaysanaha waa arrimo kale oo dalkan aan laga isticmaalin, taasi oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Haddaba, qof xuquuqdaas ka maqan yihiin ma noqon karo muwaadin dhameystiran, waxaan dalbanayaa horta in la helo xuquuqdaas waxa kale dib ayaan isaga iman-doonnaa!

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News