U bood dhigaalka

Maadaxweynaha Jubbaland oo Maanta Hortagaya Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta  lagu wadaa inuu kulan la qaato golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib muddouu ku sugnaa Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa golaha u jeedin doona khudbad, waxaana uu siin doona warbixin ku aadan xaalada guud ee maamulka Jubbaland, maadaama goluhu matalaadiisu tahay danaha maamul goboleedyada dhanka federaalka.

Golaha ayaa horay kulan ula qaatay warbixinna uga dhageystay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo isaguna ku sugnaa Muqdisho, waxaana weli aan furmin shirkii Muqdisho ee looga hadli lahaa arrimaha doorashada.

Madaxweyne Madoobe ayaa maalmihii tagay kulamo gaar gaar ah la lahaa Villa Somalia , kaas oo lagu xalinayey tabashada maamulka Jubbaland ee ku aadan faragelin ay sheegeen federaalka uu ku sameeyey gobolka Gedo.

Goobjoog News