Maamulka degmada Afgooye ayaa shaaciyey in ay bilaabayaan hawlaha canshuur uruurinta oo muddo hakad ku jirey, wuxuuna maamulka sheegey in canshuurtaasi lagu fulinayo adeegyada danta guud.
Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee degmada Mustaf Sheekh Cabdiwaaxid ayaa sheegey in haddii dhaqaalaha kasoo xarooda canshuurta si wanaagsan loo maareeyo ay ku filnaan karto in lagu qabto dhamaan adeegyada asaasiga ah sida dayactirka waddooyinka.
Waxa uu ku baaqay in dhamaan dadka ay bixiyaan canshuuraadka.
Dhageyso
Goobjoog News