U bood dhigaalka

Maamulka Baay Oo Sheegay Inuu Jiro Isbedal Amni

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka gobolka Baay ayaa sheegay in isbedal badan ay ka sameeyeen dhanka ammaanka, kadib howlgallo joogta ah oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka K/galbeed.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cali Wardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda deegaannada iyo degmooyinka Baay ay yihiin kuwo amnigooda la isku haleen karo.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha iney ka hortageen falal badan oo amniga wax loogu dhimi lahaa, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen dad badan oo amniga halis ku ahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada ammaanka howlgallo joogta ah oo ay sameeyeen waxaa suurtagashay in ay waxbadan ka qabtaan amniga guud ee gobolka Baay, waxaana ay ku guuleysteen iney xasiliyaan gobolka, falala badan oo ammaanka wax u dhimi lahaa waa ay kahortageen ciidamada” ayuu yiri guddoomiyaha.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxay ciidamada maamulka K/galbeed howlgallo ka wadeen deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Baay, mararka qaarna waxay iska horimaad kala kulmayeen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News