U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Guriceel Oo Dhaliilay Doorasho Ahlu-sunna Ay Ku Qabatay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Guriceel ee dowladda Soomaaliya ayaa dhaliil u jeediyay doorasho la sheegay in Ahlu-sunna Waljameeca ay ku qabteen degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Warsame Faarax oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in riyo ay tahay doorashadaasi oo uu sheegay in lagu doonayo carqaladeynta maamulka Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in shirka ka socda degmada Dhuusamareeb ee Ahlu-sunna qaban qaabadiisa waday aanay ahayn mid sharci ah, islamarkaana aysan jirin dad halkaasi gaaray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ka codsaday gudoomiyaha Guriceel in ay jawaab degdeg ah ka bixiso wixii ka dhacay Dhuusamareeb oo aanay indhaha ka laaban.

Ahlu-sunna ayaa sheegtay in doorasho ay ku qabteen degmada Dhuusamareeb ay madaxweyne ugu doorteen Sheekh Maxamed Shaakir ka dib cod gacan taag ah oo ay geliyeen Odayaal halkaasi ku sugan.

Goobjoog News