U bood dhigaalka

Maamulka degmada Shangaani oo ka hadlay taakuleynta barakacayaasha

Sheeko:War

 

IMG_7248
Qaar ka tirsan dan yar loo qeybinayo raashin afur ah

Dowlada Imaaradka Carabta ayaa maalintii 21-aad ka wada qaybo ka mida degmooyinka ka tirsan Caasimada Muqdisho ee Gobolka Banaadir raashin bisil oo ay ugu tala gashay inay ka faa’iidaystaan dadka danta yare ee aan waxba haystan kaasi oo iskugu jira afur iyo casho bisil.

Dan yar oo ku dhaqan degmada Shangaani iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolka Banaadir ayaa ka faa’ideystay deeq isugu jirta afur, casho iyo suxuur oo ay ka heleen hay’adda bisha cas ee dowladda Imaaraadka Carabta.

Xaaw Maxamuud Xasan oo kamid ah haweenka ku dhaqan degmada Shangaani oo galabta laga bixinayay raashinkan bisil ee afurka ah ayaa sheegtay inay si aad ah oo wayn mahad ballaaran ay u dirayso Bisha Cas ee dowlada Imaaradka Carabta.

Guddoomiyaha degmada Shangaani Siciid Cabdul Qaadir Siciid oo isna kahadlay gooobta raashinka loogu qeybiyay danyarta ku nool degmadiisa ayaa sheegay in wax lagu daydo ay tahay tallaabada ay qaaday hay’adan oo ay ugu gargaareyso dadka tabaaleysan ee ku nool gobolkan Banaadir iyo duleedkiisa.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan, waxaa degmoyinka gobolka Banaadir laga qeybinayay deeqo isugu jira afur, casho iyo suxuur oo ay ka helaan hay’ado ka socda dalalka Imaaradka Carabta, Qatar, Sucuudiga iyo kuwo kale.