U bood dhigaalka

Maamulka degmada Wanlaweyn oo sheegay in gaba gaba uu marayo howlgalka ka dhanka ah Isbaarooyinka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in heer gaba gaba ah uu marayo hawlgalada lagula dagaalamayo kooxaha isbaarada dhigta wadooyinka gala degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmadaasi Abuukar Cabdullaahi Iiday ayaa u sheegay Goobjoog Fm, intii ay hawlgalkaan wadeyn ku guulaysteen in gacanta ku lagu soo dhigo kooxo isbaaro dhiganayay wadada isku xirta Leego iyo Buur hakaba oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Baay.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan hawlgaladan lagu sugayo ammaanka Degmada, islamarkaana lagula dagaalamayo kooxaha   isbaarada.

Wadooyinka Gala degmada Wanlaweyn waxaa aad ugu soo badanaayay dhibaatooyinka loogu geysto dadka halkaasi ku safra, inkastoo hadda sidii hore ay ka yara duwan tahay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News