Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Saacado Lagu Soo Afjarayo Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab Ee Mudug

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in saacado lagu soo afjari doono dagaallo ay ciidanka maamulkaasi kula jiraan Xarakada Al-shabaab, kuwaa oo ka socda gobolka Mudug.
Madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa mar uu booqanayey Isbitaalka magaaladaasi oo ay ku jiraan ciidamo Galmudug oo ku dhaawacmay dagaalladii Mudug ayaa sheegay in saacado gudahooda lagu soo dhameyn doono dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Wuxuu sheegay in mudadii dagaalladaan ay socdeen inay dileen in ka badan 50 dagaalyahanno ayna qabteen maxaabiis ku dhow 40.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay garab ku siiyaan Galmudug sidii ay gobollada Mudug iyo Galgaduud uga saari lahaayeen Al-shabaab.
“Waxaan ka codsaneysaa dowladda Federaalka iyo beesha caalamka iney nagu gacan siiyaan dagaallada aan kula jirno Al-shabaab, sida hub iyo gaadiid intaba, waxaan shacabka Galmudug u sheegayaa inay u diyaar garoobaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab oo intaan kasii ballaaran” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.
24-kii bishaan ayaa dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-shabaab waxa uu ka billowday deegaanno ka mid ah Gobolka Mudug, waxaana Galmudug ay soo bandhigtay tiro dhallinyaro u badan oo ay sheegeen in lagu soo qabtay dagaalladii dhacay.
Goobjoog News