U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Degmooyinkiisa oo Kulan Kayeeshay Tayada Waxbarashada

Sheeko:Waxbarashada

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta kulan la qadatay Madaxda Agaasinka Waxbarashada iyo Guddoomiye Ku-xigeenada arrimaha Bulshada 17ka Degmo iyo 3da Deegaan ee gobolka Banadir.

kulanka ayaa diirada lagu saaray u kuur galida xarumaha waxbarashada, ka warhaynta Aqoonta Macaliminta iyo kor u qaadida tayada waxbarashada Ardayda maadama uu furmay Sanad Dugsiyeedka cusub ee 2022 2023, oo ardaysa Soomaaliyeed u bilowday bishaan dhammaatay ee August.

Marwa Basma ayaa fartay Guddoomiye ku xigeennada degmooyinka ee arrimaha Bulshada in ay ka war hayaan tayada waxbarashada ardayda wax ka barata  iskuulaadka ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ay kula dardarantay in ay si gaar ah ula socdaan marwaliba waxbarashada caruurta.

Goobjoog News