Maamulka gobolka Banaadir oo xarumo caafimaad ka hir gelinaya Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu qorshaynayo in Magaalada Muqdisho ay ka hir galiyaan xarumaha faya dhowrka si loo ilaaliyo nadaafada deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caana-Geel ayaa sheegay in hore maamulka gobolka uu ugu guulaystay hir galinta goobo caafimaad.

Waxa u tusaale u soo qaatay Caana-Geel Isbitaalka Digfeer oo uu sheegay in la dayactirayo oo howsha ay bilaabatay.

Masuulkan ayaa ugu dambeyntii xusay in maamulka gobolka Banaadir uu ku talo jiro sameynta 18 dugsi oo hoos imaan doono gobolka, kuwaas oo wax lagu bari doono ardayda dan yarta ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW