U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Sheegay In Amaanka Gobolka Uu Gacantooda ku Jiro

Sheeko:Dalka, War

Maamulka Gobolka Hiraan ayaa sheegay  in Degaano badan oo Gobolkaas ah laga saaray dagaalyanada Al Shabaab isla markaana uu gacanta ku jiro dhamaan ammaanka gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka Ammaanka Maxamed Ibraahim Cabdulaahi ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay qaadeen  talaabo kasta oo ay kaga gun gaarayaan sida uu yiri Ammanaka Degaanada Gobolkaas.

Maxamed Ibraahim Cabdulaahi waxaa uu intaa raaciyay in dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Degaanka halgan wax saamayn ah aysan ku yeelan doonin amaanka Gobolkaas.

Bishan 9keedii Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan isla markaana ay dileen 43 qof.

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhankooda sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab isla markaana ay dileen 110 .

Goobjoog News