U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Lagu Eedeeynayo Inuu Is Hortaagay Qaxooti Iskood Uga soo Laabanayey Dalka Kenya

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyay inuu is hor istaag ku sameeyay boqolaal qaxooti ah kuwaas oo ka imaanayay xeryaha Dhadhaab ee waqooyi bari wadanka Kenya.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isxaaq (Afaraale) ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu hortaagan yahay boqolaal qoys oo taagan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaan ee Jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay in qaxootigaan ka soo laabtay xeryaha Kenya oo hadda ku sugan degaanno kamid ah Jubbaland in loo diiday inay u sii gudbaan degaannada iyo goballada ay u dhasheen.

Qoysaskaan oo boqolaal uu ku tilmaamay ayaa waxay ku sugan yihiin degaanno ka tirsan goballada Jubbooyinka iyo Gedo, hase yeeshee maamulka Jubbaland ayaa dhowaan sheegay in culeyska qaxootiga soo laabanaya uusan qaadi Karin.

“Maamulka Jubbaland ayaa dadka ku celinaya degaannada ay maamulaan iyo xuduudda laga soo dhalo ee Dhoobleey, waxaan ka warqabaa in qoysas boqolaal ah oo ku soo socday gobalka Baay inay celiyeen oo ay u diideen in ay u soo gudbaan goballada Koonfur Galbeed” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Afaraale ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in dano gaar ah uu ka leeyahay maamulka Jubbaland taasoo dhibaato ku ah dadka shacabka ah ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, wuxuuna Qaramada Madoobe ugu baaqay in qaxootigaasi Soomaaliyeed diyaarado lagu keeno Baydhabo iyo Shabeellaha Hoose.

“Ninka Kismaayo u socda wax diiwaangelin ah lagama qaado, laakiin qofka u soo socda Bay, Bakool ama Shabeellaha Hoose ama Muqdisho waxaa laga qaadayaa $10 oo diiwaangelin ah meel ay u socotna lama yaqaan, baabuurka u soo socda Kismaayo $20 ayaa laga qaadaa laakiin midka Baydhabo waxaa laga qaadaa $50 horayna waxaa looga qaadi jiray $35 oo maamulka Jubbaland ayaa lacagtaas ku kordhiyay” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Isxaaq Afaraale.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish ayaa dhowaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi ka sheegay in qaxootiga dib u soo laabanaya ay culeys ku yihiin degaannada Jubbaland oo qorshe la’aan lagu soo celinayo.

Goobjoog News