U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeeray Wasiir Goodax Barre

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu kaga hadlay bixinta Shahaadada.

Wasiir Goodax Barre ayaa  sheegay in aysan arday  imxitaanka dowladda aan ka qeyb aheyn wasaaraddu siin doonin shahadada dugsiga sare ee fasalka 12-aad,  isaga wasiirku oo si gooni ah u timaamay ardayda maamulka Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed oo ka jawabayey hadalkaas ayaa waxaa uu sheegay in Shahaadada waxbarashada dowladda uu xaq leeyahay ardaygii  Soomaali ah, isla markaana galay Imtixaan rasmi ah .

“Shahaadada waxbarasho waxaa leh arday kasta oo Soomaaliyeed oo imtixaan la yaqaan galay, Hargeysa ama Boosaaso ha joogo, Goodaxna kama hor istaagi karo” ayuu yiri Wasiirka waxbarashada maamulka Puntland.

Sanad weliba marka lagaaro waqtigaan oo kale waxaa soo baxa hadallo kala duwan kuwaas oo labada wasaaradood ay saxaafadda isku mariyaan, kuwaa dhammaan ka hor imaanayo mustaqbalka ardayda  mana jiro tanaasul muuqda.

Goobjoog News