U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo sheegay in uusan saameyn ku yeelan doonin maamulka loo sameenaayo Gobolada Dhexe

Sheeko:War

GaalkacyoMaamulka Puntland ayaa ka digay in Maamulo kale ay sheegtaan Gobolka Mudug oo ay sheegeen inuu ka tirsan yahay deegaanada Maamulkaasi.

Axmed Muuse Nuur Gudomiye ku xigenka Gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlay Goob-Joog FM ayaa sheegay in Muhiimadu ay tahay in dadka rabitaankooda la rumeeyo oo Dowladda looga baahanyahay inay Heshiis dhex dhigto Beelaha wada daga Gobollada dhexe ee Dalka.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ayaa sheegay in Puntland ay ka madax banaantahay Maamulada is qab qabsigu uu ka dhexeeyo waxaana uu ku baaqay in ay Maamuladaasi sameystaan Maamul Goboleed ka madax banaan Gobolada uu ka Taliyo maamulka Puntland.

Hadalkaan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli shalay Dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday maamul goboleed loo sameenayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.