U bood dhigaalka

Maamulka Somaliland oo sheegay inuu joojin doono heshiis uu la galay dowladda FS

Sheeko:War

Somaliland heshiis

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in meesha ay ka saari doonaan wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulkaasi.

Arrintan ayaa maamulka Somaliland u cuskaday markii uu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in si buuxda ay ula wareegayso maamulida hawada guud ee dalka.Wasiirka duulista hawada maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in   hadii arrinta dowladda federaalka uu taabo galo ay hakad   galin doonaan shirarka dhax maraya labada dhinac.

Maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiisyo dhowr ah ku kala saxiixday dalka Turkiga, heshiisyadaas waxaa ka mid ahaa in magaalada Hargesa ay xarun u noqoto marka hore xarun laga maamulo hawada Soomaaliya, muddo kadibna loo soo wareejiyo Muqdisho.

Hadalka Wasiirka duulista hawada maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan xukuumadda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay si buuxda ula soo wareegayso maamuliida hawada dalka.

Wararka Goobjoog news